Hage Booking.

Hage Booking.

Share

10/09/2024

Sirta Ganacsiga

Sirta ganacsi guulaysta

1. Alle ka cabsi iyo iimaan.
Waa in aad la imaata alle ka cabsi iimaan, iyo talo saarasho, arrinkaas waxaa ina tusinaya qurโ€™aanka;
ูˆูŽู„ูŽูˆู’ ุฃูŽู†ู‘ูŽ ุฃูŽู‡ู’ู„ูŽ ุงู„ู’ู‚ูุฑูŽู‰ูฐ ุขู…ูŽู†ููˆุง ูˆูŽุงุชู‘ูŽู‚ูŽูˆู’ุง ู„ูŽููŽุชูŽุญู’ู†ูŽุง ุนูŽู„ูŽูŠู’ู‡ูู… ุจูŽุฑูŽูƒูŽุงุชู ู…ู†
ุงู„ุณู‘ูŽู…ูŽุงุกู ูˆูŽุงู„ู’ุฃูŽุฑู’ุถู ) alle waxa uu leeyahay swc: haddii ay dadka deggan magaalooyinka ay alle rumayn lahaayeen kadibna ay ka dhowrsadaa ( baqaan) waxa aan u furi lahayn korkooda barakooyinka samada iyo dhulka. Barako micnaheeda waxa weeye risqi iyo anfac, risqi ku anfaca adduun iyo aakhiraba, laakiin waxa laga yabaa markii uu yahay maal kali ah, in uu kudhibo oo ad ka qaado dhibaatooyin iyo mushkilado kula hadha. Halkaas waxaa ku sugan ballan qaad iyo damaanad oo Alle scw ku sheegay hadalkiisa, haddii aad la timaadid cabsi iyo imaan in uu hagaagi doono ganacsigaada.

2. Daboolid baahi jirto.
Qodobka 2aad waa in aad ka jawaabayso baahi jirto oo ka maqan dadka aad la nooshahay, ama meesha aad joogtid hanoqoto magaalo, miyi ama tuulaba, baahidaas aad ka jawaabaysana ha ahaato (services) shaqooyinka komishinka ah, ama (product) oo ah badeeco la iibinayo, waana inaad ku salaysaa in ay tayadu sarayso (high quality) qiimuhana hooseeyo (low price).

3. Baro dadka, iyo isku xidhkooda.
Waa inaad dadka barataa, waxa aad dadka u baranaysaa sida ay kula qiima sareeyaan, haddii ay noqoto diinta, aqoonta, maadiga, dhaqanka wanaagsan, iyo dabeecada fiican, meelaha aad dadka ka baran karto waa; meelaha ay dadka tayada leh iskugu yimaadan sida; masaajidada, goobaha waxbarashad, shirarka iyo meelaha lagu qabto tababarada, (training centers) intaas markii aad samayso baro haddana sida la iskugu xidho, waxaa lagayaaba in aad fikrad ganacsi hayso laakiin aadan haynin maalgalintii lagu samayn lahaa, ama aad haysato maalkii laakiin aadan haynin fikraddii, fikradda iyo hantiduba dadka ayay dhaxtaalaa, isku xidhku waxa uu noqon karaa in aad isku keento dad fikraddii ganacsi iyo hantidii lagu maalgalin lahaa kala haysta, ama adiga ayaa labadaas mid ka mid ah haysta. Dharinyaro haddii aad tahay manta aayaad ka shaqayn kartaa barashada iyo isku xidhkaba, waxaa kale oo muhiim ah kuuna sahlaya arimahaas in aad ka shaqayso ix-saanka oo ah wanaag samaynta, qof aad wanaag usamaysay ayaa bari boos muhiim ah kuu buuxin kara ( ู‡ูŽู„ู’ ุฌูŽุฒูŽุงุกู ุงู„ุฅุญู’ุณูŽุงู†ู ุฅูู„ุง ุงู„ุฅุญู’ุณูŽุงู†ู) ixsaan samayntu abaalkeeda ma ahan ixsaan mooyaane.

4. Maal-galin
Kadib markii aad soo buuxisay qodobadii aan kor kusoo xusnay, markaan waxa aad ubaahan tahay maal-galin, waxa aad haysaa fikrad ganacsi, laakiin ma haysid maalkii lagu socod siin lahaa, adduunka dad badan oo maanta maal-qabaneenna ah waxa ay layimaadeen fikrad, kadib ayay uraadsadeen dad u maal-galiya, markii lagu sameeyay maal-galinna fikradahoodii waa ay guulaysteen. Haddaba side ayaad maal-galin ku heli kartaa.? Waxaa jirta laba nooc oo aad ku heli karto maal-galin; 1. Mudaaraba: oo ah qof fikrad haya laakiin aan maal haynin, iyo qof maal haya laakin aan fikrad haynin, fikradaada ayaad ula tagaysa sida bangiyada, shirkadaha iyo dadka haya dhaqaalaha, kadib dhaqaalihii aad ubaahnayd inaad ku socodsiido ayay kusiinayaan sidaas ayaadna ku helaysaa maal-galin. 2. Muraaxaba. Oo ah in aad utagtid bangi kuna dhahdid tuโ€™saale ahaan; waxa aan ubaahanay in aad ii iibisaan bajaaj, markaasna ku dulsaartaan faaโ€™iido, adigana aad sidaa iska gudid daynta, ugu danbayntiina aad adiga mulkiyadeeda lahaatof Bajaajta, ama inta aad furatid dukaan aad bangiga ku dhahdid isoo iibiya badeecadii aan ka ganacsan lahaa ee aan ku dhax iibin lahaa.

5. Raadi dad aqoon leh.
Markaan waxa aad heshay maal-galintii, shaqadu adiga kaliga kuguma koobnaan doonto, waa ay ballaadhan doontaa idamka alle, waxa aad ubaahan tahay dad kula shaqeeya, waxa aad ku xulataa dadka aad udooranayso in ay kula shaqeeyaa sida aan qurโ€™aanka ka baranayno (ุฅูู†ู‘ูŽ ุฎูŽูŠู’ุฑูŽ ู…ูŽู†ู ุงุณู’ุชูŽุฃู’ุฌูŽุฑู’ุชูŽ ุงู„ู’ู‚ูŽูˆููŠู‘ู ุงู„ู’ุฃูŽู…ููŠู†ู) dad la shaqaalaysiisto waxa ugu fiican uguna khayr badan kuwa usaaxib ka ah aqoonta, kartida, xil-kasnimo iyo ammaanada. Waa in uu qofku uu leeyahay aqoontii iyo awoodii uu shaqadan ku qaban lahaa, una dheertahay ammaano iyo daacadnimo.

6. Ka dhig shaaqalaha mulkiile.
Ha noqon kaligii cune ee noqo mid dadka wax u ogol, si ay shaqada uyeelato tayo, una gaadho heer-sare waa in ay shaqaaluhu dareemaan lahaanshiyo, sidee ayay ku dareemi karaan lahaanshiyo? La samee faaโ€™iido qaybsi, oo qayb kasii faaโ€™iida la shaqeeyo, mushaar kali ah kuma filna shaqaalaha, markaste oo aad shaqaalaha dareemaaan qanacsanaan waa markaste oo shaqada iyo shirkaduba heer gaadhaan.

7. Udhimri macaamiisha.
Markaste lahow sifaad wanaagsan, ha ku fikirin in aad noqoto maalin taajir, ladareen noqon macaamiishaada, usamee qiimo dhamis, fahan culayskooda, sii talo baxin, waxa aadna niyada ku haystaa kalmadii caanka ahayd ee โ€œcustomer is the kingโ€ haddii aad sifooyinkaa la imaato waxaa xaqiiq biyo k**a dhibcaan ah in ay macaamiishaadu kusiin doonaan kalsoonidooda oodhan kuuna noqon doonan xayisiis bilaash ah oo kugu soo xidha mac-miil aadan horay u haysanin.

8. Usamee ganacsigaaga sahan (research)
Ha is dhigan oo ha umalaynin in xaaladuhu sidan iska ahaan doonaan, tartan ayaa lagula gali doonaa, waa in aad lahaata sahan joogta ah, sahankaas oo lagu ogaanayo sida ay wax usocdaa ama isku badalayaan, waxaa jiray shirkado badan oo intii ay isdhigteen ugu danby suuqa laga saaray, sida shirkada Nokia iwm, waa in sahan lagu sameeyaa isbadallada technology-yada, haddii waagii h**e Helicopter lagu duubi jiray muuqaalada korka laga duubo, maanta waxaa jira Drones si sahlan kuugu qaban howshaada, waa in aad lahaataa koox sahmin joogta ah ku samaysa jihada loosocdo.

9. Ha quusan.
Ugu danbayntii ha is dhiibin, hana quusan. Caqabad kaste oo kula soo daristana ha ujabin, khasaaro ayaa iman, sidii aad wax urabtay ayay udhici waayi karaan, wax kaste oo aad la kulanto cashir ka baro horayna uga sii soco. Dhamaad.

Waxa aan soo koobid iyo sharaxaad ku sameeyay muxaadaro uujeediyay Sheekh Axmed-nuur cali jimcaale, muxaadaradaas oo ka koobanyd sagaal qodob oo ah โ€œbilaabida gamacsi guulaystaโ€ sheekha waa mulkiilaha iyo aas-aasaha shirkada Hormuud Telecom iyo sidoo kale aas-aasihii xawaaladii Barakaad, iyo ganacsiyo badan oo guulaystay. Waligay ma arkin qof sida uu sheekha dhaqaalaha iyo ganacsiga ufahansan yahay oo kale qof ufahamsan, waliba dhaqaalaha islaamka, Alle ha barakeeyo sheekha aakhiro iyo aduunba.

W/Q; Deeq Cabdi

Want your public figure to be the top-listed Public Figure in Addis Ababa?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Website

Address

Addis Ababa