Mahad Goodir
Keebaa khaldan labadaa gaadhi?
07/05/2026
Shan (5) wiil iyo aabohood oo ku naf waayay dagaal beeleedka ka socda Degmada Carmale ee Gobolka Sanaag.
Hal qoys ayay ka baxeen lixdan qof.
Aabe Jaamac Faarax
C/raxmaan Jaamac Faarax
Maxamed Jaamac Faarax
C/risaaq Jaamac Faarax
Shire Jaamac Faarax
Dhuubane Jaamac Faarax
Saddex iyo labaatan(23 )qof oo Xabaal wadareed lagu aasay Degmada Carmale ee Gobolka Sanaag !
Dhinaca kalena intaa in lamida ayaa ka dhimatay.
Alle hakala qaboojiyo dadkaas ehelada ahaa ee isku madhay.
07/05/2026
Sanaag, 23 Mayd ah ayaa Xabaal wadareed loogu sameeyay deegaanka Carmale, ee Gobolka Sanaag kuwaas oo ku naf waayay dagaal deegaankaas ku dhex maray beelo walaalo ah.
Dhanka kale dhaawacyada qaar ayaa la geeyay Cisbitaalka Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag.
07/05/2026
Inta hadda la xaqiijiyey, 28 qof ayaa ku dhimatay, halka 32 kalena ay ku dhaawacmeen dagaalkii ka dhacay Dooxda Laashimo oo u dhaxaysa Carmale iyo Shimbiraale, kana tirsan degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.
Dadka geeriyooday waxaa ka mid ah Wiil iyo aabbihii, oday iyo labadiisii wiil, iyo laba wiil oo walaalo ah oo reer rag u ahaa.
Click here to claim your Sponsored Listing.