C/risaaq Idaajaa
16/06/2026
Mary Parker Follett waxa ay ahayd aqoonyahanad iyo qoraa Maraykan ah oo ku takhasustay maamulka, hoggaaminta iyo cilmi-nafsiga ururrada. Waxa ay aaminsanayd in hoggaamintu aanay ku dhisnaan karin amar iyo xukun (Power Over), balse ay ku dhisnaan karto wada-shaqayn iyo iskaashi (Power With).
Power Over: Waa awood uu qof ama koox ku maamulo ama ku xukumo dadka kale. Waxay ku salaysan tahay amar, maamul iyo in hal dhinac uu ka sarreeyo dhammaan dhinacyada kale. Habkan ayaa inta badan abuura cadaadis iyo iska caabin.
Power With: Waa awood ku dhisan wada-shaqayn iyo iskaashi. Hoggaaminta iyo bulshada ayaa si wadajir ah uga qayb qaata hawlaha iyo go'aan-qaadashada, taas oo horseedda kalsooni, isfaham iyo xidhiidh wanaagsan.
Haddaba, waxaa inoo dhammaaday sideed sano oo deegaanka lagu maamulayay mabda'a Power With, waxa aynuna galaynaa, haddii Eebbe idmo, shan sano oo kale oo lagu maamulayo iskaashi, ismaqal iyo talo-wadaag, si loo sii xoojiyo horumarka iyo wadajirka bulshada deegaanka.
Klicken Sie hier, um Ihren Gesponserten Eintrag zu erhalten.
Kategorie
die öffentliche Figur kontaktieren
Telefon
Webseite
Adresse
Munich